Qormadii Axmed Suldan iyo Dhibaatada Gobolka Shabelaha Hoose lagu hayo

9
257

shabelaha hoseWaxaa waayahanba aad u soo kordhaysay hadal haynta dhibaatooyinka lagu hayo dadka reer Shabeellaha Hoose iyo la sheegashada gardarrada ku saleysan ee gobolkooda, inkastoo aysan ahayn wax cusub, haddana waa arimmo goor walbaba marxalad cusub gelayey, wajiyo cusubna yeelanayay.

Haddaan in yar dib u eegno gobolkan lagu magacaabo Shabeellaha Hoose, waxaan filayaa in hadda magacan loo yaqaano uusan ahayn magac asal ah oo ay ula baxeen dadka gobolka ka soo jeeda, laakiinse uu yahay mid ay ku magacawday dawladii maamulka dalka Soomaalida ugu dambeysay ee ay hoggaaminayeen ciidamada.
Wuxuuna ka mid yahay laba gobol ee loogu magac daray Wabiga Shabeelle ee ka soo baxa buuraleyda gobolka Baali ee dalka Itoobiya, kuna dhamaada gobolkan aynu ka hadlayno ee loo yaqaano Shabeellaha Hoose.

Gobolku wuxuu ka mid yahay gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya, wuxuuna dhacaa galbeedka, waqooyi galbeed, iyo koonfur galbeed ee caasimadda dalka, Muqdisho, dhinca Bariga waxaa ka xiga Bad weynta Hindiya iyo Magaalada Muqdisho, waqooyigana waxaa ka xiga gobolka Shabeellaha Dhexe, galbeedkana wuxuu xuduud la leeyahay gobolka Bay, meesha koonfurtuna uu xuduud kala yahay gobollada Jubbooyinka.

Gobolku dhulkiisu wuxuu u kala baxaa dhul deegaan ah, dhul beereed iyo dhul daaqsin ah.
Wuxuu ka kooban yahay waqtigan xaadirka ah sideed degmo oo kala ah; Marka, Afgooy, Aw dheegle, Wanle weyn, qoryooleey, Baraawe, Kurtun waareey iyo Sablaale.

Dadka deggan, haddii la tixraaco tirakoob qiyaaseedkii ugu dambeeyay ee uu bixiyay Maamulkii Qaramada Midoobay (UNISOM 2) sanadkii 1994tii wuxuu ahaa 800,000-900,000 qofood, inkastoo tiradaasi ay ka badnaan karaan, haddana tiro intaa ku dhow ay ku korodhay labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay. Kuwaasoo u kala baxa; Beeraley, Xoola dhaqato, Ganacsato iyo Jilaabato ama kalluumaysasto.

Beelaha deggan ee asal ahaan lagu yaqaano gobolkan,kuna abtirsada waxaa ka mid ah kuwan;

Handab, Dhiin, Abiikaroow, Maama suubis, Hiraaboow, reer Xaaji, Goobroon, Aw Jamaal, Maalin Cumar, Maandhaaw, Maamoow, Eeboow, Abroone, Aamiin, Aw Nuur, Aboow, Cumar maadoow, Diigoole, Jeedaaw, Gooma cadleey, Gobyaan, Gaallabaxe, Adawiin, Amad maxaad (Maraayle), Geedoow, Cusmaan abroone, Abjeele, Aba sheekh, Mooge, Bulul, Biyaan waali, wajeera, Maangeey, Dumaal, Bariyoow, Gandan, Dhelmaanya, Gaalawar, Mooldheere, Maalinle, Aaroow, Muuse, Reer Mindiyoow maadaan, Maane, Maxaadeey, Maxalaan, Maleexaan, Wadalaan, Baalcadde, Hurgume, Jiilaale, Hubsane, Haamaale, Uriile, reer Maalin, Uraabane, Abaa jabal, Abaa saad, reer cumar, Dooxoole, Jeede, Duubane, Erdha, Jambaluul, Hubeer, Hiif mogga, Barbaare,Tuuf, Quraanyoow, Safar, wajiis, Dacfaraat, Goygaal, Taagtiro,Wariili,Xayuubi, Toore,Iroole, Ismiim, Daadoow, Sacad(Biimaal), Dabrow, Durugba, Gaameedle, Shukureera, Xaatimi, Biida, reer Maanya, Asharaaf, Shiikhaal( Jasiira-Gendershe) iyo in kaloo aanan halkan ku soo koobi karinba. Iyadoo ujeeddadaydu aysan ahayn beelo tirin, iyo dhiiragelin qabyaalad oo aan ka door bidi lahaa waqtigan inaan siyaabo kale wax u soo gudbiyo, laakiinse way ka fursan weyday, khasab ayeyna noqotay inaan waxa gobolka ka dhacaya iyo siday u dhacayaanba wax laga yiraahdo ayadoo wadiiqaddan loo marayo.

Beelahan mid waliba deegaan iyo degmo lagu yaqaano, loona aqoonsan yahay ayey gobolku ku leedahay, midna midda kale kuma xad gudubto, Waxaana ka dhexeeya walaaltinimo iyo hab dhaqan maamuleed oo soo jireen ah, kaasoo ku salaysan is xaq dhawr, iskaashi iyo dan wadaag, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo horumarinta nabad ku wada noolaansha iyo wax wada qabsiga. Taasoo keentay in loo aqoonsado, laguna tilmaamo beelo nabadeed.

Haddaba arrimahaasi aan soo sheegnay dartood waxaa beelaha Soomaliyeed qaarkood, gaar ahaan Beesha Habar Gidir iyo xulufadeeda ee dhibaatada baaxadda leh ku haya reer Shabeellaha Hoose ay ku dhiiradeen inay sheegtaan asal lahaanshaha gobolkan, wax ku lahaanshaha maamulkiisa iyo taladiisaba, taasoo cid walibana ay ka dheregsan tahay qaabka ay ku yimaadeen gobolka, kuna joogaan, oo aan ka ahayn Mooryaannimo iyo Mooryaan-Walwaale oo aan filayo kuwaa micnahooda iyo fasiraaddoodu inaysan akhristayaasha igaga baahnayn, waxaana ay tani caddeyn u tahay hal qabsiga baadilka ee ah TAADA KULA LIHI, TAYDANA ANAA ISKA LEH, ee ay goor walbaba adeegsadaan beelaha awoodda is biday, isuna haysta inay iyagu yihiin kuwa talada dalka Soomaalida keligoodu ka go’do, ayagoona u arkay inay beelaha gobolkan yihiin kuwa taag daran, oo aanan iska difaaci karin gardarooyinka, dulmiga, xad gudubyada iyo boobka dhinac waliba leh ee inta dalka Soomaalida fowdada iyo dawlad la’aanta ay ka jirtay lagu hayey naftooda iyo hantidooda.

Kuwa taasi is tusayna u maleyn maayo inay u dhaboobi doonto riyadooda ku dhisan humaag beeneedka iyo mala awaalka. Maxaa yeelay dadka gobolkan waxay leeyihiin sooyaal taariikheed cad oo qof waliba uu wax ka dheehan karo sokeeye iyo shisheeyaba. Waa dad aan cidina gar dareysan, cidda ku soo gardarootana aysan ka libin helin intay doontaba haku qaadatee. Waa dad dulqaad badan oo go’aan qaadashada nabadda ku deg dega, kuwa colaaddana ka fogaada.

Waxaa loo adeegsadaa mar waliba, laguna dagaa reer gobolkan magacyo urureed iyo mid dawaladeedba oo aanan waxba ka jirin, waxna aan loogu qaban, kaliyana gabaad looga dhigo maleeshiyada Beeshan iyo xulufadeeda ee aan soo sheegay, si loo sii xalaalaysto boobka hantidooda iyo ku tagri falka dhulkooda, ayadoo ku tala galkana uu yahay tir tirida raadadka xaqiijinaya asal-lahaansaha gobolkan Shabeellaha Hoose iyo dadkiisa.

Mar waxaa la adeegsadaa magac Dawlad Soomaaliyeed, oo la leeyahay dhulku waa dhul Soomaaliyeed oo aan la kala lahayn, meesha gobollada kale ay yihiin kuwo la kala leeyahay, oo beelo gaar ah ay ku abtirsadaan. Ma kan oo kaliya ayaa Soomaalida ka dhexeeya, meesha kuwa kalena dad gaar ah leeyihiin. Ma Soomaalinimada ayaa ah magac beelaha qaarkood ee ay ka mid yihiin reer Shabeellaha Hoose lagu khiyaameeyo, oo hantidooda iyo dhulkooda lagu boobo, mase waa wax dhab ah oo laysku taageero, sida ka muuqata hal qabsigan, uuna tilmaamayo; SOOMAALIYEEY TOOSOO, TOOSOO ISKU TIIRSADA, HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WELIGIINA ! Sida laga soo bartay maamuladii dawladihii ku meelgaarka ahaa iyo tan hadda jirta ee la leeyahay waa dawlad rasmi ah, aysan waxba ka bedelin fowdadii dhulka ka jirtay, inay sii dhiira geliyaan maahane.

Waxaa halkaa ka muuqata inay aad u kala duwan tahay, una kala fog tahay sida ay u haystaan Soomaalinimada reer Shabeellaha Hoose iyo kuwa la midka ahba iyo beelahan kale ee magacan ku qaraabta, adeegsadana kolkay damacsan yihiin inay wax boobaan.

Ma daw baa in dad intaa tiro la’eg ee kor ku tilmaaman iyo ka badanba loo jujuubo, loona cabiidiyo hal beel iyo xulufadeeda, oo dhaqankoodu iyo caadadoodu noqotay ku dulnoolaansho dadyow kale iyo xalaalaysashada boobbka hantidooda?!!!

Waxaa kaloo ayadana jirta iyadoo la adeegsado magacyo ururo diimeed iyo wixii la mid ah, iyadoo ujeeddaduna ay tahay isla tii uun, oo dhinaca kale ay haddana isla kuwii oo shaarka soo bedeshay ay ku akhrinayaan dadkii dhulku waa dhul Islaam oo lama kala laha, waa loo siman yahay. Waxaana tusaalle u ah kooxihii sheeganayey Maxkamado Islaami, oo intay u yimaadeen reer Shabeellaha Hoose ku yiri kuwii ayaga boobka iyo dhibaatada ku hayey waa HOOYADII MAXKAMADAHA, oo sidaana shaarka ugu bedelay, kuna garab siiyay dulmigooda iyo gardaradooda.

Kuwa kale ayaa xigay ayagana sheeganaya XISBI ISLAAMI iyo xulafadooda oo beeshan aan soo sheegnay degma cusub uga sameeyay gobolkan dhexdiisa, si loo xaqiijiyo damaca iyo sheegashada beeshan iyo xulufadeeda, taasoo ah dhulka loo barakacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye. Waxay kaloo kuwan iyo xulufadooda bur buriyeen, baabi’iyeena xabaalihii ay ku aasnaayeen culumadii, mashaa’ikhdii iyo hoggaamiyeyaashii dahaqameed ee gobolkan usoo halgamay, u soo dadaalay, ee aqoonsigana u ahaa reer Shabeellaha Hoose, si loo tir tiro raadadka caddeynta u ah asal-lahaanshaha beelaha gobolkan.

Aaway Islaamka iyo muslimnimada la sheeganayo, ma sidaas ayaa AILAAHAY iyo Rasuulkiisu (scw) ay islaamnimadu ku sheegeen?!!! Sow tii Rasuulkii ILAAHAY(scw) uu yiri; WAXAA MUSLIMM AH QOFKA GACANTIISA IYO AFKIISU MUSLIMIINTA AY KA NABAD GALAAN. Haddaba reer Shabeellaha Hoose ma idinkaga muuqataa tilmaantaa la bixiyay dadkan aan ka hadlayno iyo xulafadooda?!!! u malayn maayo inay jawaabtu haa tahay.

Waxaa ayadana kol la lahaa waxaa gobolka Shabeellaha Hoose ku dagaalamay laba beelood, oo lagu sheegayo Biimaal iyo Habargidir, kolna la leeyahay ciidanka dawladda iyo maleeshiya deegaan ayaa isku dhacay …..!!! Waa isla kuwii uun oo haddana ciidan dawladeed iska soo dhigaya, oo magac dawladeedna kuu jilaya.

haddana labada beelood la heshiisiinayo; Labadan beelood la sheegayo maxaa u dhexeeya, ma derisnimaa ka dhexeysa, ma deegaanbaa, ma daaqbaa, mase dhul beereed? maxay isku haystaan?

Shaki kuma jiro in inta aan soo sheegayba aysan ka dhexeynin beelahan, iskuna haysanin, laakiinse ay arrintu tahay Mooryaan xiran shaar dawladeed oo wax boobaysa iyo dhalinyaro dadkooda la boobayo u adkeysan waayay, kana dhiidhiyay, ka dibna Mooryaan wal waaladii ay ka soo daba qaylinayaan ayagoo magac beeleed huwinaya ama mid dawladeed, oo waliba ay isla Mooryaan wal waaladii dadka u sheegayaan inay wax dhex dhexaadinayaan!

Taasina waxay meel ka dhac iyo qiima darro ku tahay beesha Biimaal iyo dhamaan beelaha kale ee reer Shabeellaha Hoose. Haddiiba ay arrintu dhab tahay, halaga soo qaado gobolka mooryaan beeleedda dhiigga shacabka xalaalaysatay ee hadda shaarka dawladda soo huwatay, haddii kale ma muuqato meesha wax kaloo laysugu yimaado amaba laga wada hadlo oo waqtina lagu lumiyo, dadkana lagu indha sarcaadiyo.. gobolkuna ciidan amniga suga in meela kale looga keeno uma baahna, waxaa laga heli karaa cudud ciidan ka howl geli kara gobolka, difaaca heerka qarana wax ka geysan kara, haddii laga dhabeeyo ballantii dawladda ee ahayd in gobol waliba ciidankiisa loo tababaro, si sugidda nabadgelyada gobollada loo adkeeyo.

Waxaa iyadana wax aad loola yaabo ah maamuladii dawladihii la soo dhisay oo dhan, laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa waqtigan xaadirka ah tan jirta ee ku dhisan habka awood qaybsiga beeleed, badanaa shakhsi ka soo jeeda hal beel loo magacaabo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ! Meesha wasaaradaha kale laysugu bed bedelo beelaha Soomaliyeed intooda kale.

Maxay ku mutaysatay beeshaasi inay mar waliba wasaaraddan maamusho, ma aqoon iyo khibrad gaar ah oo ay u leedahaybaa, oo beelaha kale ee Soomaaliyeed ayaan laga heli karin cid maamulka Wasaaraddaa garanaysa? Mase, xaalku waa sidee? Mase loo baahan yahay waqtigan xaadirka ah wasaaraddaa hawlaheeda, maadaama hadda dalku uu nidaam Federaal ah qaatay? Jawaabtu waxaan filayaa inay tahay maya, wasaaraddaa bedelkeeduna waa inay jirtaa mid ka hawl gasha Xiriirka gobollada iyo Arrimaha Federaalka.

Haddaba meeshaa waxaa ka muuqata isku day marin habaabin, ballan ka bixid oo ku aaddan wixii ay umaddu ku heshiisay, caddaalad daro iyo dulmi lagu qarab siinayo beel gaar ah,si loo caburiyo beelo kaloo Soomaaliyeed, loona duudsiyo xaqqa aaya ka tashigooda iyo wax ku lahaanshaha talada dalka.

Marka waxay ila tahay in la joogo waqtigii dhamaan beelaha reer Shabeellaha Hoose, Hoggaan dhaqameedkooda, Culumaa’udiinkooda, Wax garadkooda, Siyaasiyiintooda, Dhalinyaradooda iyo Haweenkoodaba ay gacmaha is qabsan lahaayeen, una soo jeesan lahaayeen ka hor tegidda iyo iska difaacidda, cid kastoo lidi ku ah nabad galyadooda, midnimadooda, horumarkooda iyo aaya ka tashigooda.

Maxaa yeelay cid kaloo caddaalad iyo axsaan falid ay ka sugayaan ma jirto, aan ka ahayn iyaga inay gacmahooda wax ku qabsadaan, iskuna tashadaan.

Waxaana aan idin soo raacinayaa qoraalka sawir gacmeedyo muujinaya xaaladaha gobolka ka jira, halkan hoosena ka eega.

shabelaha hose

shabelaha hose1

shabelaha hose4

shabelaha hose3

shabelaha hose2

Axmed Suldaan

balshafe@gmail.com

9 COMMENTS

  1. Masha Allah Axmed suldaan Allow gacantada ku dhaaf iyo maskaxdaadaba…
    Axmed sxb dadka gobolka waa hurdaan…
    Umadna cadowgeeda uma jabto ilaa ay dhexdooda isku gurmanin…
    Hadii ay isku gurmadaana oo ay 100 nin yihiin wallahi inaan la jebinayn ciida ayaana la dagaalameyso..lkn reer shabeelada hoose iskuma gurmadaan runtii…hadii ay isku gurman lahaayeen meesha maanta la taagan yahay lama taagnaadeen ee waa laga bixi lahaa..
    Qof ku soo dhiiran lahaa boobka gobolkan ma jiri lahayn. xaqoodana ilbiriqsi ay ku heli lahaayeen…
    Ex. dowladihii dalka soo maray laga soo bilaabo cabdi qaasim waxa uu degmooyinka gobolka oo dhan madax ugu dhigay nimman beeshiisa ah waana ka hadli weynay dulmigaas.ilaa laga gaaro dowladan rasmiga lagu sheegaayo ee hadda jirta..
    Waqtigii hore wixii tegay weyba tegeen oo dhib wixii naloo geestay waa naloo geestay mana soo noqonayaan lkn hadda ayey taagan tahay maanta hadii aan dadkan boobka usocda leyska dhicin oo aan leys gacan qabsan wallahi gobolkaas inay nala milkinayaan oo ay nala yeelanayaan oo ayna soo celinayaan dhibaatadii hore iyo mid ka daranba.. Hadda inta badan gobolka waa la soo xoreeyay waxa ay ku harsan yihiin waa muuri ilaa afgooye ilaa muqdisho..
    Intaas waa in leysku garabsadaa reer gobolka shabeelada hoose hadii leysku garabsado wallahi in laga xoreynaayo..
    Hadii laga xoreeyana degmo walba iyo tuulo walba oo gobolka ka mid ah waa in ciidan madani loo sameeyaa si aan mar dambe loogu soo degdegin…
    Kadib dowlada ayada ayaa ku qasbanaaneysa inay ciidan dhab ah u tababaraan gobolka hadii kalena aan iska aamusno ee yaanay qeelin…
    Maalin walbana gobolka halagu xasuuqo waxgaradkeena iyo odayaasheena iyo culumadeena iyo ilmaheena iyo haweenkeena iyo aqoonyahankeenaba.
    Damiir hadii aan leenahay aan hadda hubka qaadano oo aan kuwan cashar aan la iloobeyn aan u dhigno si ay ugu quursadaan kuwa hadda gobolka uu damac kaga jiro..
    Dowladana markaas xaqeena ayaan ka heleynaa..
    Habar gidirna hadal waxba kuma laha ee dharbaaxo ay wax ku leedahay..
    Dowladana ayaga ayaa kaa horeeeya, ciidamada sidoo kle..Marka anaga ayey nagu xeran tahay in nala duleysto mar kale iyo inaan iska kor qaadno dulmiga Wa bilahi Towfiiq..

  2. Wlh ahmed suldan runta ayaa ka hadashey waxan layabanahay shabelada hose madaxdeeda aaway dhalinyaradeeda aawey war somali manta qofka haduu qori wadanin wax kuma lahan somaliya biimal geesi gesi dhaley dheh qawilada kale fuley waaye war iska dhiciya moriyanta sida biimal cml

  3. Asw.intii burburka jiray wadanka waxaa ka dhacay isbadal,kaas oo sameen weyn ku yeshey gobollada qaar ee aad hadda ka hadleyso.dagaaladii qabaliga ahaa ee dalka waxay salka ku hayeen laba arrimood,
    1- awood siyaasadeed oo wadanka la hantiyo
    2-dhul-ballarsi.
    Dagaaladii waa lagu kala adkaanwaayey (daarood & hawiye), waxaase wali aan damaciisa joojin hawiye.
    Waxaa la ogyahay ragaan hadda xoogga rabaa shabeelada hoose in ay xoog ku maquuniyaan (indhacade, goobaale iwl.) Waa kuwii dowladii carta eeCabdiqaasin ku magacaabey dooxada juba ilaa shabeelada hoose xooga ku haystey, damacaas waxaa uu ahaa dagaalkii qabaliga ahaahadafyadiisii ugu horeeyey.gunaanud.Somalidu been ma maahmaahdo
    (Miskiin baa miska lafuula leh)hawiye madaxda ugu sareysa dowlladdan iyo mooriyanka goriga wata waa isku caqli. (Wabillah towfiiq).

  4. waxaan dhihi lahaa hadii reer digil ay gabtaan ninkaan gudoomiya u ah marka oo ay ku bedelaan ninkaan kor sheekadaan ku soo qorey oo kale waxaahi guul ayaala gaarayaa laakiin,xiraab anaga dad naga mid ah oo calooshood u shaqeystiyaal ah ayey isku haleynayaan. walaahi hadaan isku duubano mirifle,ayaa ku filan hawiye inta digil la gaarin laakin lugta meel ayey ka jiiseysaa. walaaliyaalow aan is qabano dadkeena la wereeriyaeyna ha la soo jiito. qorigana ha la qado habir gedir noqon meysee xoog ha loo sheegto sidii daraad oo kale.

    • Munacilmi walaashey hadaladaada aad ku cabireyso aayaha gobolka iyo sida dhibaatada looga bixi karo aad ayaan uga helaa…
      lkn iska ilaali inaad hadaladaada meel kale u weeciso ninka marka cadey gudoomiyaha ka ah waa nin ay ka goan tahay qadiyada gobolka shabeelada hoose inuu u dhinto asaga iyo gaafow iyo midka janaale maamula iyo ku xigeenka degmada awdheegle. dhammana ogaaw waa isku beel waana boqortooyada beesha biimaal..
      Dhammaaanteena hal doon ayaan wada saaran nahay o ah inaan dulmiga iska qaadno oo aan gobolka u tashano digil iyo biimaal iyo inta la deganba aan ka ahayn kuwa xooga iyo abaarta lagu keenay…
      Magac qabiilna wax haku raadin weligaa ee ku raadi qadiyad…Qadiyadeenana ha ahaato gobolka shabeelada hoose ee yeysan noqon waa digil waa biiimaal..
      Dulmiga inta badneyd gobolka waa laga soo saaray waxay ku harsan yihiin keliya muuri ilaa afgooye ilaa xammar…Marka waa in loo qalab qaataa sida loo soo afjari lahaa oo gacmaha leys qabsan lahaa.
      thnks walaashey waxbaan kaa saxayey keliya xumaan ha ii fahmin ileen isku doon ayaan saaran nahee wiil biimaal thnks

  5. Ku all hawiye waxa loo durbaan tumanaayo Mahan oo kaliya habargedir waa dhamaan hawiye marka idinkoo ah 3 meelood soomaaliya ayaa maantay dad waxaa durbaanka idiin tumanaaya biyomaal iyo elaay marka idinka maxaa idinla gudboon dhulkiina ayaa lagu soo xadgubay oo xitaa waxaa la idin leeyahay waxba kama dagtaan shabeelaha hoose maxaad kale oo aad sugeesaan ma ‘aqaano oo intaaas kasii dheer kismaayo xooga lagu heesto looma jeedee waxaa loo jeedaa fikrado kale oo ah magaca hawiye wax uma ogali mana dagnaankaro shabeelaha dhaxe marka hawiyoow idinkana dadka Dagan hamar oo aan udhalan hawiye ama daarood ama jareer ama dirta gobalada dhexe, biyo maasha sanadkaan is mahdisay hala sifeeyo doofaarta waa iga talo hawiye wake up now realy.

  6. To: Muqdisho ninka la baxay..
    Hadaladaada ayaan ka fahmayaa meesha aad ka kulalaaneysid magaca hawiye maahine waa magac habar gidir…
    Kuna soo qoro wiil habargidir haku soo qoran muqdisho istubidyow istubidka aan kala jirin..
    mida kale waa is naqaanaa habargidir marka dhegaha lagu dhufto ayey tiraahdaa yaa hawiye ehoooooy..
    Marka hawiye ahaan ay usocon weydana waxay leeyihiin irir samaale ayaan isla nahay ee daarood yuu naga faaideysan…
    Magaca muqdisho iska deji ee ku so qoro wiil habar gidir…viva biimaaal iyo digil adiga iyo inta aad soo wadataba dhulka ay ku jiidaan ama magac dowlad soo qaado.. ama shabaab iska dhig ama xisbul islaam iska dhig…

  7. to markaawi nin yahow waxaa fiic naan laheed inaan ku arki lahaa markaas baad arki laheed waxaad raadineeso, mida kale sida waxaad u hadleesaa dabaal ama doqon aanan garaneenin waxa uu ka hadlaayo balfiiri hadalkaaga waxaad leedahay habargedir markii dhagaha lagu dhufto ayay u qeelisaa hawiye”” bal is fiiri adiga leh viva biimaal iyo digil marka hadii aad rabtid habargedir maad soo raadsatid kaligaa maxaad dadka kale uGu soo gabaneesaa soo taas kuuma cadeeneeso inaad fuliyo tihiiin, cayaarta hada waxay mareesaa biimaal iyo habargedir kii soo baxo labadeena wuxuu lacayaaridoonaa elaay saas soomahan war eelaay wa idin fiiqsanee marka yaa idiin muslima hawiyana kuwoodii uGu waynaa ayaad isku daan daansateene bal intee aadi doontaa.

  8. waa been is bari aw digile marka lugu jiiray shidadha iyo dagaalka mxaa lu arki waaye aw digile kadib dadka asalka wala yaqaana beenta iska daa lama arag de biimalka xita lama arag lakiis walalkisa aya su kacay

Comments are closed.