NGO-yada Maxaliga ah ee Muqdisho oo Dhac ba'an ku haya dhaqaalihii loogu talagalay Dib-u-dejinta Barakacayaashii KoonfurGalbeed.

2
32

miskiinIyadoo maalin nimadii shalay taariikhduna ahayd November 24/2013 uu xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho uu ku soo bandhigay Justin Brady oo ah madaxa UN-OCHA xafiiskeeda Soomaaliya in musuqmaasuq aad u baaxad weyn iyo dhacba lagu sameeyay deeqihii loogu tala galay dadkii kasoo barakacay abaartii gobolada KoonfurGalbeed ku dhufatay sanadkii 2011kii ee magaalada Muqdisho soo maciin biday ayaa waxaa hadana jira xog ku saabsan in gudaha magaalada Muqdisho ay NGO-yo maxali ah  ku dhacaan kuna musuqmaasuqaan howlaha dib-u-dejinta dadkii abaarahaasi ka badbaaday oo haatan dib u dejin loogu samaynaayo halkii ay horay uga soo barakeceen abaarta darteed.

Xog ay si wadajir ah ay u ururiyeen Wadajirradio Atlanta iyo Daafeet.com ayna kasoo kala heleen qaar ka mid ah dadka Dib-u-dejinta loo sameeyay,Kuwo haatan arimahooda dib u dejineed gebagebo ah,Madax katirsan NGO-yada maxaliga ah ee wada howlahan,Shaqsiyaad wax ka og arimahan Dib-u-dejinta iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada ayaa intuba waxay inoo cadeeyeen in Dhac aad u baaxad weyn iyo Musuq aan loo aaba yeelin haatan lagu hayo howlaha ay qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ay dib u dejinta ugu samaynayso dadkii horay uga soo barakacay gobolada KoonfurGalbeed Soomaaliya sanadii 2011kii.

Qandaraasyada ay bixiyaan hay’adaha UNHCR,UN-OCHA iyo MERCY oo ay siiyaan NGO-yada maxaliga ah ee Muqdisho ka howlgala ayaa qorshe ahaan waxa uu ku fadhiyaa in guud ahaan dadka dib u dejinta loo samaynaayo oo idili ay helaan gargaar u qaysan Sedex qaybood oona mara Sedex marxaladood.

1-Marxalada koowaad ruux kasta oo si iskiisa ah  diyaar ugu ah inuu qaato barnaamijkan dib u dejinta ah waxaa loo qoondeeyay in lasiiyo $100.00 oo safarka ah(Hadii uu qoys yahayna waxa uu yeelanayaa xuquuqda qoysnimo oo ruux kasta ee qoyska ka tirsan waxa uu leeyahay $100.00).

2-Marxalada labaad Ruux kasta ama Qoys walba ee qaata barnaamijkan qaybtiisa koowaad waxa uu xaq u yeelanayaa inuu mudo Lix bilood ah uu bil-walba gargaar ahaan u helo $80.00 hadii uu yahay Shaqsi hadii uu qoys yahayna waxa uu yeelanayaa xuquuqda qoys-nimo oo ruux kasta ee qoyska ka tirsan waxa uu leeyahay $80.00.

Barnaamijkan qaytiisa labaad waxaa shardi ah in ruuxa amaba qoyska loogu geeyo deegaankiisa si loo hubiyo inuu ka guuray xeradii uu degenaa loona hubiyo inuu degay halkii uu kasoo hayaamay kolkii hore.

3-Marxalada sedexaad ee ugu danbaysana waa in Ruuxa qaatay barnaamijkan dib u dejintu la siiyaa Todobo neef oo Ari ah sidaa si lamid ahna hadii uu yahay qoys yeeshaa xuquuqda qoysnimo oo ku qotonta in ruux kasta oo ka mid ah qoysku helaa tiro lamid ah tan uu helo ruuxa kaligii ah.

 

Hadaba maxaa dhacay?

 

Waxaa dhacay in NGO-yadii maxaliga ahaa ay bilaabeen wixii horayba looga caalwaayay ee ahaa dhaca,Isdabamarint iyo Musuq ay kula kacaan dhibanayaashan dib-u- dejinta loo samaynayo ee iyagu loo wakiishay,

NGO-yadan loo wakiishay howshan misna laga sugaayay inay ugu gargaaraan walaalahooda Soomaalida,Muslinka iyo Xigtadaba la ah ayaa waxay ku dhaqaaqeen ka ganacsiga nolosha dadkan dhibanayaasha ah,Bargoyn ay bargoynayaan intii yarayd ee loogu tala galay ugu guryo-noqdaan iyo weliba ku dhiirasho ay ku dhiiradeen inay khiyaamaan amaanada Hay’adahan qandaraaska siiyay oo waa hay’adaha ee ka keenay dhaqaalahaas asal ahaa dad Mukhlisiin ah uu u baxshay lacagahaas HOR ALLE.

Maadaama aan horay usoo sheegnay qaabka ay Hay’aduhu ugu talagaleen ruuxa ama qoyska qaadanaya barnaamijkan Dib-u-dejintu marxadihiisa Sedexda ah ayaa waxay NGO-yaduna u dhigeen sidan:

1-Marxalada koowaad ee dib u dejintu waxay ku bixinayaan lacag cadaan ah oo qiimaheedu yahay $40.00 halka hay’adaha Qaramada Midoobay ee howshaan wadana ay u qoondeeyeen ruuxiiba inay si toos ah u gaarto$100.00 waxaa halkaasi lagu dhacay $60.00 ruuxiiba.

2-Marxalada labaad dadka qaatay barnaamijkan qaybtiisa Labaad waxay NGO-yada maxaliga ah siiyeen mudo Lixbilood ah lacag cadaan ah oo qiimaheedu yahay  $30.00 bishiiba iyadoo dadkana ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ugu talagaleen in mudada Lixda bilood ah bishiiba ay helaan $80.00. sidaasi waxaa looga dhacay dhibanayaasha $50.00 qofkiiba.

3-Marxalada Sedexaad ee ahayd in ruuxii qaata barnaamijkan labadiisa qayb ee hore ay qaybtan Sedexaadna la siiyo Todobo neef oo Ari ah kaasi oo ay haatan NGO-yada Maxaligu ay dadka siinayaan qiimaha Afar neef oo Ari ah oo iyagu ku qiimaysteen $45.00.00 oo kaliya taasi oo ah wax aad iyo aad loola yaabo sidoo kale ayaa waxaa halkaana ay NGO-yada maxaliga ahi kaga lunsadeen dadkan min Sedex neef oo Ari ah oo u dhiganta $135.00.

 

Intee in le’eg ayaa sidan lagu lunsaday

 

Hadii uu NGO maxali ah uu haysto Qandaraas uu 5000 oo ruux oo ka mid ah barakacayaasha ku jira mid ka mid ah xerooyinka loo ooday dadkii kasoo barakacay abaartii gobolada KoonfurGalbeed sanadkii 2011 dii uu dib u dejin ugu samaynaayo goobihii ay kasoo barakeceen Waxa ay Qaramada Midoobay ku bixinaysaa oona loogu tala galay inay toos u gaarto ruuxa dib u dejinta qaatay ee isaga loo samaynaayo waa sidan:

Wajiga koowaad 5000 ruux X min $100.00=$500,000.00.

Wajiga Labaad 5000 ruux X 6 bilood X min $80.00=$2,400,000.00

Wajiga Sedexaad 5000 ruux X 7 neef oo ari ah X$45.00=$1,575,000.00

Kolka laysu geeyo lacagahan ayaa waxaa kuu soo baxaaya aduun gaaray $4,475,000.00 oo loogu tala galay inay si toos ah u gaarto dadkan dib u dejinta qaatay balse waxaa xaqiiqa ah oo aan soo ogaanay in inka yar $2,000,000.00 oo kaliya ay dadka xaqa u lahaa ay gaarto inta kale oo qiimeheedu yahay $2,475,000.00.ay jeebka ku shubtaan NGO-yo maxali ah oo Muqdisho fadhi u ah.

Hadaba Dhac,Musuq iyo Xatooyo intaa ka balaaran oo dad dhibanayaal ah lagu sameeyo oo ay NGO-yada maxaliga ah magaalada Muqdishana sameynayaan oo Dowlad,Hay’ad amaba waxgarad ka hadlaana aanu jirin sow CIBAARA ADUUN MA AHA!?

UNHCR,UN-OCHA oo iyagu ah hay’adaha wada howshan Dib-u-dejinta siiyayna qandaraaska NGO-yada Maxaliga ah ayaa dhankooda la sheegayaa inay wax ka ogyihiin arimahan lagu boobayo dadkan maatida ah balse sida uu qiray madaxa UN-OCHA xafiiskeeda Soomaaliya maalin-nimadii shalay inay horayba u ogaayeen in la xaday lana musuqmaasuqay gargaarkii Beni’aadami-nimo ee Soomaaliya ee loogu talagalay dadkii Abaaraha kasoo hayaamay ee Muqdisho soo gaaray sanadkii 2011 balse ay u aamusnaayeen oo kaliya in dadka dhibani ay wax uun gaaraan maadaama ayan hayn wado kale oo ay wax ku gaarsiiyaan hadase ay diyaar u yihiin inay ka xisaabtamaan dhacii iyo Musuqii dhacay 2011kii.

Magaalada Muqdisho oo in badan la sheegsheego in Isbaarooyinkii laga qaaday ayaa waxaa hadana kuu muuqanaaya inay weli yaaliin Isbaarooyin aad uga waaweyn kuwii shacabka Muqdisho ay ka qaylin jireen kuwaasi oo aan loo kala harin min Madax ilaa Mijimo sida uu ka dhawaajiyay madaxa Xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya.

Hadaba Su’aashu waxay tahay Boobkan hada ay NGO-yada Muqdisho ay ku hayaan dadka Dib u dejinta loo samaynayo isna sidii boobkii hore oo kale ma waxay madaxda Qaramada Midoobay ogaan doonaan oo misna eedayn u jeedin doonaa Labo ilaa Sedex sano hada kadib?.

 

Daafeet.Com

 

2 COMMENTS

  1. ilaahow naga qabo tuugadaan naga dhamaan weydey ,dhinac walba wey nagala dagaalameen hadana xoolihii deeqda iyo dib u dejinta bey dhacayaan–ma og tihiin weligoodna ma dhergayaan kuwaan ka dhamaan waayey shacabka soomaaliyeed ee dhibanayaasha ah..

  2. aniga waxaan dhihii lahaa raar koonfurgalbeed ha lagu celiyo guryahooda hadii ay qaxooti noqo nayaana ha tagaan baydhabo iyo marka bakool inta hada gacanta noogu jirto sidii dowladaan muqdishana wixii qaxootiga loogu tala galey uga go,do oo kaalmada koonfurgalbeed ugu wareegto

Comments are closed.