Nalalkii Samaafarayaasha ee dhawaan lagu xirey Magalada Muqdisho oo shilkii ugu horeeyey ayaga masuul ka ahaa

0
33

samafaroAfar qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii u shil ka dhacay isgoyska madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib markii ay nalalka kala haga gaadiidka ee Samaafaraha loo yaqaan ay bixiyaan amarro khaldan.

Nalalkan oo dhawaan la sugay isgoyska madaxtooyada kaddib muddo 20-sanno ah, kuwaas oo tijaabo ahaa looguna talogalay in dib loogu soo celiyo nalalkii gaadiidka kala hagi jiray.

Shilkan ayaa sababey qalad ku yimid Samaafaraha, waxaana laba nal oo ka mid ah si lama filaan ah u faxeen gaadiid ku kala sugnaa isgoyska madaxtooyada, waxaana isku dhacay gaadiid, taasoo ay ku dhaawacmeen afar qof.

Shilkan ayaa dhacay saakay, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho ka dhaca, iyadoo tani ay aad uga yaabisay dadweyne badan oo halkaas ku sugnaa.
Daafeet.Com