Dhegayso…Xildh.Faysal"Waxaa nahay 142 Xildhibaan taageersan Ra'isulwasaare saacid"

0
37

ARIMAHA BULSHADAGudoomiyaha Gudiga Arimaha Bulshada Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya Xidhibaan Feysal Warsame Muuse ayaa waxa uu sheegay in ay diyaariyeen Kotlad Xildhibaano ah oo ku midaysan Hiil-Dastuur kuwaasi oo ka aragti duwan kuwii Mooshinka ka keenay Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Xildhibaanadan oo u muuqda garabka taageersan Ra’isulwasaare Saacid ayaa Xidhibaan Feysal Warsame Muuse waxa uu tiradooda ku sheegay 142 Xildhibaan.
Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu imaanayaa xili ay Xalay Xildhibaanadan kula kulmay Ra’isulwasaare Saacid magaalada Muqdisho iyagoo u cadeeyay inay taageeri doonaan.
Ra’isulwasaare Saacid ayaa u baahan hadii ay codbixini ka dhacdo gudaha Baarlamaanka inuu helo kalsoonida 139 Xildhibaan.

Halkan ka dhegayso Hadalka GudoomiyahaUnknown Album

Ku dhegayso Moobilkaaga