Dagaalo ka dhacay Gobolka Bakool oo ey ka warbixiyeen Mamulka Gobolka

0
55

dagalMaamulka Dowladda ee Gobalka Bakool ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Bakool.

Guddoomiyaha Gobalka Bakool Maxamed Cali ayaa wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar dagaal kusoo qaadeen meel 15-km u jirta Degmada Xudur ee Gobalkaasi.

Maxamed Macalin ayaa wuxuu sheegay in Shabaabka dagaalka soo qaaday ay gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

Ammaanka Gobalka Bakool ayaa wuxuu sheegay inuu yahay mid wanaagsan islamarkaana aysan jirin dhibaato ka taagan dhanka ammaanka ee Gobalka Bakool.

Al-Shabaab ilaa iyo hadda aan weli ka hadlin war ku aadan guulaha maamulka Dowladda ee Gobalka Bakool  ey ka sheegteen dagaalkaasi.

Daafeet.Com