Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo la kulmey Jaliyada Somalida ee ku Nool Dalka Ugandha

0
25

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyda ayaa xalay Magaalada Kampala kulan Casho sharaf ah kula yeeshay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday Ardayda faraha badan ee ku nool dalka Uganda waxana in marka ay dhameystaan waxbarashadooda ay iska diiwaan galiyaan safaarada Soomaaliya ee Uganda. si ay u noqdaan saraakiil hogaamisa ciidamada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ardayda Soomaalida u muujiyay in loo baahan yahay saraakiil aqoon leh oo si quman u hogaamisa Ciidanka dalka oo hada u baahan in uu helo hogaan aqoon leh.

Daafeet.Com