Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta Kampala kula kulmey madaxweynaha dalka ugandha

0
28

xasan shekhMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Labada madaxweyne ayaa lagu soo warramayaa inay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiiisa ayaa kulanka jaaliyadda Soomaalida kaddib lagu wadaa inay galinka dambe ee maanta dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi isagoo la kulmay dhiggiisa dalka Kenya Mwai Kibaki.

Daafeet.Com