Alshabaab oo maanta weerar kusoo qaadey baro koontarool oo ku yaalay degmada balcad

0
92

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday aroornimadii hore ee saakay baro koontarool oo ku yaala degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ku bilaawday qaraxyo xoogan oo lagu beegsaday laba bar koontarool oo ay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada, waxaana xigay qaraxyada dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda.

Sawiro hordhac oo laga helay weerarka saakay ayaa muujinaaya bur bur xoogan oo ka dhashay qaraxyada iyo uuro madow badan oo qabsatay hawada xaafadaha degmada Balcad.

Lama oga wali khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan kooxda Al-shabaab saakay aroortii hore ku qaaday baraha koontarool ee ku yaala degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here