Alshaab oo dib ula wareegey deegaano ka tirsan koonfurta mudug iyo barakac halkaasi ka socda

0
102

In ka badan saddex kun oo qoys ayaa isaga barakacay degaanada Bacaadweyne, Xinlabi, Caad iyo Camaara, ka dib markii dhawaan degaanadaasi ay dib u qabsadeen kooxda Alshabaaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa toban-kii Maarso ee 2024, bilaabay inay ka baxaan goobahaas, taasoo keentay inay ka barakacaan dad badan oo ka baqaya weeraro aargoosi ah oo kaga yimaada Al-Shabaab.

Qoysaskan ayaa u barakacay magaalada Gaalkacyo, Mirjicley, Wisil, iyo Bajeela. Inta badan dadkaan barakacay ayaa waxay ahaayeen dad nugul, oo ay ku jiraan waayeel, carruur, haween, iyo dad baahiyo gaar ah qaba, kuwaas oo galay safarro halis ah oo lug ah, si ay u helaan badbaado iyo gabaad.

Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug (GCRI) oo kaashanayay Hay’adaha Samafalka, ayaa sheegay dadka dhibaatada ugu badan ay soo gaartay inay ahaayeen, dad xoolo dhaqato ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here