Baarlamaanka labada gole oo maanta ka shiraya wax ka bedelka dastuurka

0
117

Mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney maanta kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaasoo si weyn indhaha loogu wada hayo natiijada kasoo bixi doonta.

Kulanka Xildhibaanada labada Aqal ayaa looga doodaya qodob xasaasi ah oo la xariira ansixinta wax ka badalka Dastuurka, taasi oo ay kasoo horjeedaan qaar ka mid ah Xildhibaanada labada gole, madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin kale.

Xubnaha Mucaaradka ah ayaa talaabada wax looga badalayo Dastuurka u arka mid qorshaheeda dan gaar ah ugu jirto Madaxtooyada Soomaaliya oo horay u dalbatay qorasha wax looga badalayo Dastuurka dalka.

Qorshaha wax looga badalayo Dastuurka ayaa xubnaha Mucaaradku ku sheegeen inuu yahay mid ka hor imaanaya nidaamka Fedaraalka, waxaana muuqaneysa in madaxtooyada Soomaaliya ay ku adkeeysaneyso meel marinta wax ka badalka Dastuurka.