Itoobiya oo ka hortimid dhaleeceynta beesha caalamka ee ku aadan heshiiska ay la gashey somaliland

0
98

Iyada oo ay sii xoogaysanayso xiisadda Geeska Afrika, Itoobiya waxay dhaleecaysay falcelinta beesha caalamka ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee ay dhawaan la gashay Somaliland.

Redwan Hussien, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa ku eedeeyay jileyaal caalami ah oo aan la magacaabin inay cadow ku yihiin Itoobiya iyagoo ku gabanaya inay taageerayaan Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan dhaleecaynta caalamiga ah ee loo jeedinayo heshiiska is-afgaradka ah, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay 20 KM oo kamid ah xeebaha Somaliland ay hesho.

Todobaadkii hore raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa xaqiijiyey in maamulkiisu uu wajahayo cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in la joojiyo heshiiskii ay la galeen Somaliland.