Alshabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka caad ee gobolka mudug

0
123

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qarax Ismiidaamin ah oo kooxda Al-shabaab ay ku qadaay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Ururka Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday waabarigii hore ee saakay Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Caad, waxaana halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal xoogan oo ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal uu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshe aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarka Al-shabaab kusoo qaaday Caad ay iska difaaceen, islamarkaana ay ku jabiyeen kooxda oo ay baacsi kusii hayaan.