Ciidamada dowlada iyo alshabab oo xaley ku dagaalmay degmada qoryooleey

0
99

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xalay saq-dhexe ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaadeen degmadaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, ayna maqlayeen rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac, taas oo cabsi ku beertay.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay inay iska caabiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.