Madaxweynaha dowlada federaalka oo gaarey magalada kambala

0
148

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa Kampala uga qeybgalaya shir lagu wado inu maanta uga furmo Kampala madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD, kasoo uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Shirka madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa ah mid ay kaga arrinasanayaan faro gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiis bilowgii bishan ay Addis Ababa kula gashay Somaliland.

Dowladda Itoobiya ayaa maalin ka hor ka cudur daaratay kasoo qeybgalka shirkaan lagu wado inuu maanta ka furmo dalka Uganda, waxuuna shirkaan kusoo beegmaya, iyadoo ay sii kordheyso xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku hayso heshiiskii Addis ku wada galeen Itoobiya iyo Somaliland.