Mareykanka oo sheegey in heshiiska itoobiya iyo somaliland uu halis ku yahay la dagaalanka alshabab

0
90

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo heshiiskii dhawaan dhex maray dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

War kasoo baxay aqalka Cad ayaa walaac looga muujiyay in heshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada.

John Kirby, isuduwaha xidhiidhka golaha amniga qaranka Maraykanka, ayaa u sheegay warfidiyeenka in aqoonsiga Itoobiya ay siiso Somaliland uu halis gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Itoobiya iyo Somaliland waxa ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah 1-dii Jannaayo, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya in ay samaysato saldhig ciidan oo ku yaalla xeebaha Somaliland.

Taas beddelkeedna, Itoobiya ayaa Somaliland u ballanqaaday inay siinayso aqoonsi caalami ah.

“Ma aaminsanin in gobolku uu awoodi karo colaad kale, “Uma maleynayno in heshiiska is-afgaradka ah uu u socdo jihada saxda ah.” Kirby ayaa sidaas mar kale yiri.