Ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka baay

0
292

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal xoogan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano katirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno kamid Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay Ciidamada uga fuliyeen deegaanka Jameeco ee Gobolka Baay, halkaas oo sida ay sheegeen Saraakiihsa Ciidamada ahayd goob ay doonayeen inay ku cuna qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalkaasi Baay.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60aad ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 15 katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena lagu fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in gowlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda ilaa iyo inta cunaqabateynta ay saareen Al-Shabaab laga qaadayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.