Alshabab oo sii daayey baabuurtii xamuulka u wadey degmada baydhaba

0
251

Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay sii daayeen qaar ka mid ah gaadiidkii ku wajahnaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay ku xannibeen degaano katirsan gobolka Baay.

Warar ayaa sheegaya in gaadiidkan lagusii daayay, kaddib markii odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed ay wada hadal la galeen saraakiil Shabaab ah, si loo sii daayo gaadiidka.

Hase ahaatee, maamulka Koonfur Galbeed ayaa arrintaas beeniyay, wuxuuna sheegay howlgalladii dhowaan laga fuliyay gobolka Baay in ay qeyb ka tahay in gaadiidka ay si nabad ah ugasoo gudbaan degaanada lagu xannibay.

Kooxda Alshabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaanka Mooda-Moode, oo ah goob la sheegay in Al-Shabaab ay isbaaro u dhigtaan gaadiidka xamuulka ah ee ka yimaada magaalada Muqdisho, kunasii jeeda magaalada Baydhabo.