Reysulwasaaraha oo kulan la qaatey danjiraha midowga yurub u qaabilsan somaliya

0
332

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Danjiraha Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Tiina Intelmann.

Xamza ayaa kal hadlay Tiina Intelmann xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bini’aadanimada & horumarinta adeegyada muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lala isla soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, siiba xasillinta deegaanada la xorreeyay ee ay la wareegtay dowladda, waxaana ra’iisul wasaaruhu sheegay in deegaanadaas ay u baahan yihiin gurmad degdega.

Danjire Tiina oo madasha ka hadashay ayaa dhankeeda u ballan-qaaday xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza inay sii wadi doonto taageerada uu Midowga Yurub siiyo Soomaaliya, gaar ahaan taakuleynta dhinacyada kala duwan leh.