Axmed Luqmaan oo ka hadley siyaasada maldahan ee ka taagan koonfur galbeed

0
725

Axmed Maxamed Luqmaan oo ah odayaasha kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Axmed Luqmaan oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka falceliyey shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu dhowaan ku baaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Axmed ayaa shaaca ka qaaday in xilligan aysan Koonfur Galbeed u baahneyn dib u heshiisiin ee ay baahan tahay dib u sixid maamul, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka degan Shabeelaha Hoose ay ku hoos dulman yihiin Koonfur Galbeed, isaga oo tilmaamay inay xuquud badan uga maqan tahay.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada maamulka iyo sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Koonfur Galbeed, maadaama doorasho la galayo.