Alshabab oo weerar ku qaadey deegaan ka tirsan gobolka galgaduud

0
372

Alshabaab ayaa weerar labo jiho ah oo ku billowday qaraxyo ku qaadday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Waxaa lasoo sheegay inuu dagaalkii ugu culus halkaas saakay waaberigii ka dhacay, iyadoo khasaare aad u badan uu ka dhashay.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Alshabaab si wayn loogu jabiyay weerarka ay kusoo qaadeen Qaayib.

Dowladdu waxay sheegtay in la fashiliyay saddex Qarax oo Alshabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.

Dowladdu waxay sheegtay inay Qaayib si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada huwanta ah ee Dawladda iyo deegaanka.

Dhinaca kale, kooxda kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay weerar cagmarin ah ku qaadeen Qaayib ayna la wareegeen oo ku furteen hub iyo gaadiid dagaal.