Howlgalo ay ciidamada dowlada ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabaleha hoose oo lagu diley xubno ka tirsan alshabab

0
308

Howlgalo ay ciidamada dowlada ka fuliyeen deegaanka buulo masiino ee gobolka shabelaha hoose ayaa la sheegey in lagu diley inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xubnaha la laayay ee Alshabaab ay kamid ahaayeen firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 Shabaab ah.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Alshabaab iyo hubkii ay wateen.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si wayn Alshabaab loogu jabiyay dagaal saakay ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobalka Galgaduud, ka dib markii Alshabaab ay soo weerareen deegaankaas.