Maamulka galmnudug oo sheegey inay gacanta ku dhigeen rag ajaanib ah oo ka tirsan ururka alshabab

0
283

Ciidamada ammaanka Maamulka Goboleedka Galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay rag ajnabi ah oo ka yimid dhanka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo lug ku gali rabay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaanno hor dhac ah ay tilmaameen in ay yihiin Maxaabiis muddo fog u xirnaa Al-Shabaab, ugu dambeyna ay iska soo daayeen, ayna ku jiraan gacanta Galmudug.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa goor sii horeysay Risaala u sheegay in Ragga Ajaanibta ah oo u dhashay dalalka iiraan & Pakistan aysan wax hub ah wadan, balse kaliya laga shakiyay.