Wasiirka arimaha dibada somaliya oo magalada Abu dubai kula kulmay dhigiisa

0
300

Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Abu Dubai kula kulmay dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Imaaraadka, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayaa waxay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya dalalkooda.

Waxa kaloo is weydaarsadeen fikrado dhowr ah oo khuseeya gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee quseeya arrimaha labada dal ee Soomaaliya iyo UAE.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa ku ammaanay dowladda Imaaraatka inay taageero joogto ah la garab taagan tahay Soomaaliya iyo shacabkeeda, isagoo u rajeeyay Imaaraadka horumar iyo barwaaqo.