Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey dhowr heshiiis

0
94

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey hindise sharciyeed, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo uu ku jiro heshiis cusub oo dhawaan lala soo galay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiisyadan ayaa waxay kala yihiin;

1- Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
2- Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
3- Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
4- Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
5- Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa looga dhageystay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan duufaannada la saadaalinayo inay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyi-gelin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here