Gudiga doorashooyinka maamulka puntland oo shaaciyey doorashada 16 kursi

0
173

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa soo maanta saaray doorashada 16 kursi oo lagu dooran doono magaalada Boosaaso, inkastoo aan la shaacin jadwalka doorashada.

Ku dhawaaqista kuraasta doorashadoodan, ayaa timid, xilli uu hakad ku yimid doorashada lix kursi oo kamid ahaa kuraasta lagu dooran lahaa magaalada Garowe.

Puntland ayaa noqotay maamulkii saddexaad ee shaaciya kuraasta lagu qabanayo deegaanka doorashada labaad sida uu qabo heshiiska habraaca doorashada aqalka hoose.