Afhayeenka ciidanka boliiska oo faahfaahin ka bixiyey weerar ay xaley alshabab kusoo qaadeen saldhigyo boliis

0
241

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar dagaal iyo qaraxyo isugu jiray oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka ka dhacay degmada Kaxda uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isagoona tilmaamay howlgal xigay weerarka in lagu soo qabtay dad ku eedeysan in ay qayb ka ahaayeen dagaalka ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Wuxuu intaasi ku daray afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar kale oo isla xalay ka dhacay Deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay in sababaha labadaasi degmo ay Al-shabaab usoo weerareen iney tahay in labada degmo ay ka socdeen howlo horumarineed sida wadooyinka iyo dhismayaasha, islamarkaana uu sheegay in Shabaab aysan jecleyn iney arkan meelo horumar ka socdo waa sida uu hadalka u dhigaye afhayeenka Booliiska.