Alshabab oo xaley weerar kusoo qaadey dhowr saldhig

0
190

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay saqdii dhexe Alshabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciiddanka dowladdu ku lahaayeen gudaha Muqdisho.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradaas xalay lagu qaadey illaa sedax xero oo ay ciidamada dowladda ku suganaayeen oo ku kala yaala degmooyinka Kaxda, Yaaqshiid iyo Hodon.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab, waxaa saldhigga degmada Kaxda ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay weerar toos ah cag marin ah, sida Alshabaab ay sheegtay.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday xero ku taalla degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Daarusalaam oo fariisin u ahaa ciidamada dowladda Federaalka. Alshabaab ayaa sheegay in lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay, waxaana xigay dagaal toos ah oo labada ciidan dhax maray.

Weerarka saddexaad waxaa uu xalay ka dhacay saldhigga Ceel-janaale oo ah meel laga difaaco degmada Kaxda. Alshabab waxay sheegeen in ay halkaasi ka geysteen weerar khasaaro badan lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.