Golaha amaanka ee qaramada midoobey oo maanta ka hadli doona arimaha somaliya

0
241

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah yeelanaya kulan looga hadlayo xaaladda Guud ee Soomaaliya, iyada oo lagu guda jiro xilli doorasho.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa warbixin ka siin doona kulanka Golaha Ammaanka.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha horyaalla, howlgalka AMISOM & sidoo kale abaaraha xilligaan kajira meelo badan oo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Safiirada dalalka Caalamka u jooga Qaramada Midoobay ayaa iyana dhankooda warbixino ka jeedin doona Shirka, kuwaas oo siweyn kaga hadli doona xaaladda Soomaaliya, sida doorashooyinka, Amniga iyo Abaaraha, iyaga oo qaarkood balan qaadyo sameyn doona.