Resyulswasaare rooble oo donaya in dib loo dhigo doorasha kursiga uu u tartamayo Fahad Yasin

0
178

Warar ay BBC Soomaali heshay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in ra’iisal wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar ahaa wasiirka cadaallada ee Soomaaliya.

Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra’iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86.