Reysulwasaare Rooble oo saaka u kicitimey dalka imaaraadka

0
171

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta todobaadyo kadib markii uu sheegay in xukuumadiisu ay dib u hagaajinayo Xiriirka Imaaraadka .

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu raysal wasaaruhu ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.

Safarkiisa ayaa kusoo aadaya xilli lagu jiro arrimo doorasho, khilaaf culusna uu ka dhaxeeyo isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Rooble ayaa Imaaraadka dhawaan ka raalli galiyay Lacagtii uu sirdoonka Soomaaliya ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho bishii April 2018, isagoo ballan qaaday in lacagtaas dib ugu celinayaan Imaaraadka Carabta.