Tuulooyin ka tirsan degmada balcad oo dab la qabadsiiyey

0
1248

Wararka ka imaanaya tuulooyinka Mareereey iyo Mukay dheere oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in labadaasi tuulo ay gubeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in qoysas aad u farabadan oo gaaraya ilaa laba kun oo qoys oo kasoo barakacay labadaasi tuulo ay soo gaareen degmada Balcad.

Tuulada Mareereey oo olaa 5 KM dhinaca Waqooyi Bari ka xigta degmada Balcad ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe dab abad siiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab, halka tuulada Mukay dheere la gubay Jimcihii lasoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Balcad.

Guddoomiyaha degmada Balcad ayaa intaasi ku daray in Al-shabaab ay haatan ka faa’ideysanayaan dowladda oo ku mashquulsan howlaha doorashooyinka taasoo keenta iney kordhiyaan weerarada ay kusoo qaadayaan degmooyin ay ka mid tahay Balcad.