Farmaajo iyo Rooble oo loogu baaqey inay xaliyaan khilaafkooda islamarkana dardar geliyo doorashada dalka

0
130

Wasiirka arrimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay sarkaakil ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika.

Wasiirka iyo Mary oo wasaaradda dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka.

Mareykana ayaa shaaca ka qaaday in looga baahan-yahay Farmaajo iyo Rooble in ay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, si loo dadajiyo doorashooyinka billowday.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda inta uu socday ku soo hadal qaaday arrimaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay.