Barakac ka bilowdey degmada guuraceel

0
85

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi saacadahii ugu dambeeyay uu ka jiray barakac aad u xoogan oo ay sameynayaan dadka ku dhaqnaa xaafadaha magaaladaasi.

Barakaca dadka deganaa Guriceel ayaa yimid kadib markii ay soo wajahday cabsi xoogan oo ay ka qabaan in magaalada uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug oo kaashanaya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan Guriceel ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qoysaskii ugu badnaa ay ka barakaceen degmada saacadahii ugu dambeyay, kadib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyo dagaal oo laga dareemayo Guriceel iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugna deegaanka Ceeldheer oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa la sheegay iney isaga baxeen deegaankaasi, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iney ciidamada Ahlu suna isaga baxaan deegaankaas oo ay todobaad ka hor la wareegeen.