Kiiska badda: Mar i dage Allah dago….

0
446

Waxaa qoray: Abdulkadir M. Abow

abow@idirect.com

Marka arrin mushkilad ah timaado waxaa la sameeyaa dadaalka ugu fiican ee suuragalka ah si loo xaliyo mushkiladda, ka dibna waxaa la isku dayaa in laga gaashaanto mustaqbalka si aaysan mar kale u soo noqon taasoo kale. Muranka badda ee soo jiitamaayey ilaa iyo 2009-kii waxaa lagu soo afjaray go’aankii maalintii shalay ee aay taariikhdu ahayd Talaado 12ka Oktoobar, 2021 iyadoo la dhihi karo guul weyn ayeey Soomaaliya ka gaartay. Inkastoo qeyb ka mid ah dhulkii la isku heeystay, oo aan ilaa hadda si sax ah waqtigaan loo shaacin baaxaddiisa iyo qiimaha dhaqaale ee uu leeyahay, loo xukumay Kenya. Marka, haddii mushkiladdii xal laga gaaray, waxaa loo baahan yahay in laga taxadaro in aaysan mar kale soo noqon iyadoo kale.

Si taas loo gaaro, waxaa loo baahan yahay in si fiican loo fahmo arrinta sidii aay ku timi iyo waqtiga eey timi iyo jilayaasha (xubnaha qeybta ka ahaa in aay arrinta sidaas u dhacdo). Su’aalahaasna jawaabo waafi ah loo helo.

2009kii waxaa mar kaliya soo baxay warar sheegaya in badda la gatay. Markaas ayaa la ogaaday in heshiis is af-garad (Memorundam of Understanding (MOU)) oo la xiriira arrinta badda aay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa xigay in baarlamaanka la keenay MOU-ga si loo ansixiyo xilli shucuurta dadka gudaha iyo dibadaba aay aad u kacsaneyd halkaasna xubnihii golaha shacabka aay meesha ka saareen heshiiskaas iyagoo weliba diiday in aay dhageystaan xubnihii soo saxiixay ama wax ka ogaa.  

Wixii intaas ka dambeeyey talaabooyinkii dowladda Soomaaliya qaaday ee codsiga aay geeyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) iyo heerarkii kala duwanaa ee habraaca maxkamadda ilaa go’aankii waxay ahaayeen kuwo daahfuran. Maalintii la sheegay in maxkamad la geeyey kiiska ilaa waqtiga xaadirka ah Kenya waxay u dhaqmeysay sidii in qorshe muhiim ah in laga horstaagey oo uu waaga ku baryey.

Waa iska cadahay in Kenya uu MOU-ga u ahaa muhiim oo waxay mar walba u soo xiganeysay in kiiska maxkamadda laga soo celiyo maadaama labada dal is-afgarad horey u dhexmaray. Laakiin, sidauu asal ahaan MOU-ga ku yimid weli lama oga. Warar kala duwan oo aaysan ka muuqan taxne taariikheed (chronological dates) oo lala xiriirinaayo shaqsiyaad (Wasiirkii Qorsheynta mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ra’iisul Wasaarihii xilligaa mudane Cumar Abdirashid) iyo dowlado (Norway iyo Kenya) ayaa jira, laakiin xog tafatiran weli shacabka lalama wadaagin. Xitaa madaxweynahii hore mudane Sheekh Sharif Sh. Axmed in uu la socday heshiiska heerkaan gaaray weli su’aal ayaa ka taagan, oo isaga iyo ra’iisul wasaarahii waqtigaas waa ku muransan yihiin.

Asalka MOU-ga waa  muhiim in uu cadaado oo talaabo talaabo loo ogaado ciddii fikirka keentay, ciddii wax ka ogaatay iyo goortii aay ka ogaadeen. Weli ma heyno xogtaas. Illaa laga helaayana waxaa dul saarnaan doonto xukuumaddaas iyo madaxdii ku howlaneyd arrintaas shaki. Guusha laga gaaray kiiska meesha kama saareyso shakigaas.

Natiijada fiican waxaa keenay dadaalkii xukuumaddii ICJ geeysay dacwadda badda ee Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo qaadatay go’aan geesinimo leh. Sidoo kale  waxaa ku amaanan kiiskaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) oo dowladdiisa ku adkeysatay in laga warsugo natiijada maxkamadda. Waxaa mahad gaar ah oo intaasoo dhan ka weyn leh gabadha Soomaaliyeed ee qareenka ah ee la yiraahdo Muna Sharmaan oo door aan la ilaabi karin ku lahayd.

Sida cad, laaliddii uu baarlamaanka laalay MOU-ga waxba kama bedelin in maxkamadda ICJ aay isticmaasho heshiiskaas Kenyana aay ku dacwooto.

Haddaba, hal ama laba qofood saxiixooda haddii uu keeni karo qalqal iyo khatar intaas la eg, waa muhiim in laga hortago oo dastuurka wadanka lagu daro in heshiisyada caalamiga ah oo dhan aay qasab tahay in baarlamaanka ansixiyo. Taas haddii aaysan dhicin arrinta waxay noqoneysaa “Mar i  dage Allah dago, hadduu mar labaad i dagane anaa is dagey”

Abdulkadir M. Abow