Mursal iyo Lafta gareen oo koonfur galbeed ka dhigay mehrad ay ayaga leeyihiin

0
358

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u muuqda kuwa isbaaro u dhiganaya siyaasadda guud ee Koonfur Galbeed, iyagoo mooda in labadoooda oo kaliya ay yihiin kuwa go’aanka ka gaari kara horumarka iyo aayaha reer Koonfur Galbeed.

Labadan nin ayaa afka qabtay dhammaan odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed,Ururada bulshada, culumaa’udiinka iyo xildhibaannada Koonfur Galbeed ku matela labada aqal ee federaalka Soomaaliya.

Guddoomye Maxamed Mursal ayaa in muddo ah afduubtay qeyb kamid ah saamiga ay Koonfur Galbeed ku leedahay federaalka, isaga oo u maleeya in qofkuu doono geyn karo halkaasi, maadaama uu horey u afduubtay cid walba oo uu is leeyahay way kaala hadli kartaa arrimahan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhawaan wiilkiisa Cabdalla Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan u magacaabay qunsulka Soomaaliya ee Koonfur Africa, taasoo dad badan ka yaabisay, waayo marnaba qof haya mansabka Mursal oo kale lagama filaneynin inuu wiilkiisa jago nuucaas ah u magacaabo iyagoo ay jiraan aqoon yahanno badan oo reer Koonfur Galbeed ah oo mudnaa in qeyb ahaan ay u helaan jagadaas oo kale, baddelkii hal qoys ay isku darsan lahaayeen dhammaan jagooyinka.

In Mursal uu wiilkiisa u magacaabo jagadan ayaa timid sida dad badan ay tilmaamayaan kadib markii heshiis uu la galay madaxweyne Farmaajo kaasoo ku aaddanaa waqti korhdintii labada sano aheyd ee loo sameeyay hay’adaha dowladda ee laga noqday kadib markii uu go’aankaasi horseeday dagaal.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal marnaba lagama filaneynin inuu kursiga uu ku fadhiyo uu ku dulmiyo dadka uu matalo ee Koonfur Galbeed. Laakiin dad badan ayaa shaki galinaya inuu markale kasoo dhex muuqan doono siyaasadda federaalka, maadaama durba la dareemayo isku dhac u dhexeeya isaga iyo kuwa kale ee danleyda ah ee ay ku saaxiibeen ka shaqeyn dib u dhaca reer Koonfur Galbeed.

Dhan kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen ayaa dhex fadhiyo fashil kii ugu weynaa ee uu la kulmo siyaasi Soomaali ah, kadib markii uu sii kala qeybiyay lafta hoose ee uu kasoo jeedo, baddelkii uu ka shaqeyn lahaa isu keenista qabaa’illada Koonfur Galbeed oo in muddo ah ay ka muuqatay kala daadsanaan.

Laftagareen ayaa fursad walba oo soo baxda uga faa’ideeya dadka aadka ugu dhow oo ay isku reerka yihiin, taasoo dad badan ka careysiisay, maadaama laga filanayay dib u heshiisiinta beelaha Koonfur Galbeed. Laakiin taa baddelkeed wuxuu sii kala qeybiyay lafta uu kasoo jeedo heyb ahaan.

Laftagareen ayaa u muuqda mid isku dhiibay Farmaajo, taasoo ka dhigeysa in kusii jiritaankiisa siyaasadda ay ku xiran tahay soo laabashada madaxweyne Farmaajo oo laftiisa rajo badan aanan qabin, maadaama Soomaaliya aanan looga baran inuu soo laabto madaxweyne hore.

Si kastaba ha ahaatee labadan nin Mursal iyo Laftagareen ayaa dib u dhac weyn u keenay reer Koonfur Galbeed, balse waxaa hubinta ah qof walba oo danaha guud ee Koonfur Galbeed ka hor mariya tiisa inuu ku dambeyn doono meel aan wanaagsaneyn, maadaama shacabka iyo odayaasha reer Koonfur Galbeed ay hadda ka daaleen siyaasiyiinta daneystayaasha ah.