Cabdiraxmaan cabdishakuur oo mar kale eedeeyey gudiga doorashooyinka

0
159

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markale si aad ah u dhaliilay guddiga doorashada Soomaaliya oo uu sheegay iney wali ku jiraan xubno badan oo ka tirsan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

Siyaasi Warsame ahna Musharax madaxweyne ayaa intaasi ku daray in 20 meeyo ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Farmaajo iyo tobaneeyo dharcad ah aay wali ku jiraan guddiga doorashada dalka, islamarkaana waxuu sheegay in guddiga laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyay iney kasoo horjeeday madaxweyne Farmaajo.
Eedeynta C/raxmaan C/shakuur ayaa imaaneysa xili qaar ka mid ah guddiga doorashada lasoo badalay kadib markii la sheegay in lagu helay eedeymo laga soo gudbiyay oo ahaa iney ka tirsanayeen shaqaalaha Madaxtooyada iyo Haya’adda NISA.

Eedeynta cabdirahmaan cabdishakuur uu eedeynayo gudiga doorashooyinka ayaan eheyn mid keligiisku kooban taasmid la mid ah waxaa hore u sameeyey golaha musharixiinta oo isagaba ka tirsan yahay.