Hoobiyeyaal lagu garaacay xerada xalane iyo alshabab oo sheegatey

0
107

Dhawaaq Madaafiic Ah ayaa lasoo sheegayaa in laga maqlay Xerada Xalane oo ay Beesha Caalamka deggan yihiin, iyadoo faah faahino badan la ogeyn.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay in la bartilmaameedsaday Xeradaasi oo inta badan ay ku yaallaan Xarumaha Reer Galbeedka Ee Magaalada Muqdisho Xafiisyada ku leh.

Ma jirto wax war ah oo soo baxay iyo xog ku aadan Khasaaro hadii ay jiraan oo ka dhashay hujuumka Hoobiyeyaashaasi ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Hoobiyeyaashaasi in iyagu ka dambeeyeen balse ma aysan soo tebin khasaaraha ka dhashay inta ay og yihiin.