Daawo Wasiirada haweenka iyo xuquuda aadanaha oo haweenka somaliyeed uga hambalyeysay munaasabada 8da maarso

0
867

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 8 Maarso oo maanta ku beegan.

Wasiirada ayaa sheegtey in sanadkii 1977 bishii maarso sideeddeedii loo asteeyey in ay noqoto maalin ay u dabaal dagaan haweenka aduunka. iyaga oo kusoo bandhiga rabitaankooda, xaquuqdooda iyo dhibaatooyinka loo geystey haweenka.

Wasiirada ayaa hoosta ka xariiqdey in sanadka aan 8da maarso loogu dabaal degi karin sidii sanadihii hore maadaama uu dala ka jiro cudurka korono viruska oo dunida oo dhan aafeeyey.

Wasiirada ayaa haweenka soomaaliyeed ugu baaqdey inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, difaaca dalka iyo horumarintiisa sidoo kalana ay qeyb libaax ka qaataan sidii loo xakameyn lahaa cudurka saf mareenka ee korono viruska.