Wasiirada wasarada caafimaadka oo sheegtey in dalka uu soo gaaray nooca cusub ee karonaha

0
107

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shacabka ugu baaqday inay u hoggaansamaan tallaabooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka cudurka Karoona xilli cudurka uu kusoo laba kacleeyay halkaas.

Wasiirka ayaa tilmaamtay in uu aad u sarreeyo heerka isku gudbinta cudurka sidaas darteedna ay badatay tirada dadka u dhimanayo cudurka.

Markii ugu horreysay ayay tilmaamtay Wasiir Fowsiyo in nooca cudurka uu yahay mid cusub gaar ahaan nooc cusub oo cudurka Covid-19 ah uu dalka fara ba’an ku hayo.

Boqolaal ka mid ah shacabka kunool Caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu soo ridatay cudurka Karoonaha oo saameyn weyn ku yeeshay bulshada kunool Caasimadda, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday xayiraado.