James Swan oo dowlada u direy fariin ku saabsan 8da maarso u direy madaxda dowlada

0
69

Wakiilka xogyahaha guud ee Qarmada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan oo maanta ka qeyb-galay Munaasabadda Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa farriin la xiriirta kaalinta haweenka Soomaaliyeed u diray siyaasiyiinta Soomaaliya.

Fariinta Swan oo u muuqata mid si gaar ah ugu socota madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo saamileyda siyaasada, gaar ahaan madaxda gobolada ayaa sheegay in muhiim tahay in la ixtiraamo ballan-qaadkii la sameeyay ee ahaa hirgelinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqalka Sare iyo Baarlamaanka 11-aad.

Waxa uu intaas kusii daray “Wada-hadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed”.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxay ka marqaati kaceen dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada, ayada oo Swan ku baaqay in laga dhabeeyo kaalinta haweenka ee heshiiskii siyaasadeed.