Shacabka magalada garowe oo lagu soo rogey amaro cusub

0
92

Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, siiba dadka socdaalaya ama safraya ee ku sugan halkaasi.

Booliska Garoowe ayaa shaaciyey in qof kasta oo soo galaya ama ka baxaya Garoowe looga baahan yahay damiin, ka hor inta uusan safrin, ama soo gelin gudaha magaalada.

Sidoo kale taliska Booliska aya arintaasi kusii daray in qofka la doonayo inuu caddeeyo u jeedada uu uga baxayo Garoowe amaba uu u soo galayo magaalada.

Arrintan ayey Puntland kaga gol-leedahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa suurta-galnimada weeraro ka dhaca halkaasi.