Maxkamada sare ee dalka oo joojisey dhamaan qaadista dacwadaha

0
236

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano culus oo la xiriira xakameynta Coronavirus, si looga hortago fidis xanuunkan oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha dalka Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ayaa shaaca ka qaaday in la joojiyay dhammaan dacwadaha inta aan aheyn kuwa ciqaabta, illaa inta lagu guda jiro cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa waxaa si gaar ah loogu socod-siiyay hay’adaha Garsoorka dalka iyo laamaha amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale warqaddan ayaa waxaa lagu shaaciyey inay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo rasmi ah.