Wasaarada waxbarashada oo amar ku bixisey in la xero goobaha waxbarasho

0
104

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa fartay dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha Iskuullada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha inay u hoggaamsamaan amarka lagu xirayo goobaha Waxbarashada muddo labo todobaad ah.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ay garwaaqsan tahay tallaabada lagu xirayo goobaha waxbarashada, in ay qeyb ka tahay dadaalada xukuumadu ku xakamanayso faafitaanka caabuqa Covid-19.