Daawo Dowlada oo ku guul dareysatey weerar ay xaley ku qaadeey hotel ay degenaayeen qaar ka tirsan musharixiinta

0
233

Ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka ayaa saqdii dhexe ee habeenkii xaley weerar ku qaadey hotel ay ku sugnaayeen madaxweynayaashii hore ee somaliya iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Weerarka ka dib ayaa warbaahinta waxaa la hadley madaxweynihii hore ee somaliya sheekh Shariif iyo Shariif Xasan labadooduna waxaa ay sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid gardaro ah isla markaana lagu xad gudbey xuquuqda.

Labada masuul ayaa sidoo kale sheegey in mudaaharaadkii maanta lagu balansaa uusan baaqaneyn isla markaana wexey shacabka magalada muqdisho ugu baaqeen in ay kasoo qeyb galaan bananbaxaasn