Daawo Golaha musharixiinta oo jawaab culus ka bixiyey weerarkii xaley kuna baaqay in laga qeyb qaato bananbaxa

0
136

Golaha musharixiinta ayaa jawaab culus ka bixiyey weerarkii ay ciidamada dowlada ku qaadeey hoteelkii ay degenaayeen musuuliiintii hore ee dowlada somaliya wexey ku timaameen in falkaasi uu ahaa fal aad u xun

Warsaxaafadeedkan ayaa masuuliyiintii ka hadley waxaa ka mid ahaa reysulwasaarihii hore ee somaliya Xasan Cali Kheyrem gudoomiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan cabdishakuur, Musharax Cabdikariin Guuleed iyo weliba musharax Daahir Maxamuud Geele.

Dhamaantoodna waxaa ay shacabka magalada muqdisho u baaqeen inay ka dhiidhiyaan falkii dhacay isla markaana ay ka qeyb qaataan isusobaxa lagu baaqay maalinta oo ah maalin jimco.