Daawo odayaasha beesha hubeer oo wasiirka arimaha gudaha maamulka koonfur galbeed ku eedeeyey musuqmaasuq

1
172

Odayaasha dhaqanka beesha hubeer oo kulan ku yeeshay degmada walaweyn maalintiii isniinta aheyd ayaa waxaa ay kulankooda dhaleeceyn aad u weyn uga soo jeediyeen wasiirka arimaha gudaha maamulka koonfur galbeed Maxamed Abukar Cabdi iyaga oo sheegay in uu degmada ka wado musuqmaasuq baaxad leh.

Odayaashani ayaa sheegay in wasiirka uu yahay ninka dhibaatada ugu weyn ku haya shacabka degmada walaweyn isla karmaana iska horkeenaya masuliyiinta ka howl gasha degmada walweyn.

Odayashan ayaa sidoo kale ku eedeeyey wasiirka in lacago musuqmaasuq ah uu ka qaato masuulka ugu sareeya degmada lacagahaas oo intooda badan ah kuwa kasoo xarooda canshuuraha laga aruuriyo ganacsatada degmada walweyn.

1 COMMENT

  1. Dadnimo waxay ku jirtaa in runta laysku sheego, wixii dhib ah la sheego. Keligay ayaa talinayaa waa hoog. Aan wadatashano ayaa xal ah.

Comments are closed.