Gudiga uu dhawaan magacaabey gudoomiyaha gobolka oo si gooni goni ula kulmey odyaasha degmada walweyn

0
92

Guddiga xaqiiq raadinta ee uu dhawaan magacaabay gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose Cabdulkhaadir Siidi ayaa maalintii shaley waxaa ay kulan la qaateen odayaasha dhaqanka afarta beelood ee shanta caleen, ( Erdho, Hiifmuge, Jambaluul iyo Barbaare )

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayey qilaafka uu gudoomiyaha degmada Maxamed Siidow ka dhex abuurey beelaha shanta caleemood ee ku dhaqan degmada walaweyn, kulanka ayaa intiisa badan ahaa xaqiiqo raadin ku saleysan waxa uu salka ku hayo qilaafkaas.

Gudigan uu magacaabey gduoomiyaha gobolka ayaa markoodii hore ahaa gudi loo magacaabay inay dhex dhexaadiyaan beelaha shanta caleemood iyo beesha gaaljecel balse waxaa lamahuraan noqotey in marka hore laga hadloarinta taagan kadibna loo gudbo midii ay markii hore u socdeen.

Isla gudigaasi maanta waxaa ay kulan la qaateen odayaasha dhaqanka beesha hubeer kaasoo ay kala hadleen dhankooda dhibta meesha ka taagan iyo waxa ay xalka u arkaa, gudigan ayaa la filayaa xog uruurin kadib in ay soo bandhigaan wixii ay la kulmeen isla markaana xal waara ka gaaraan qilaafka beelaha shanta caleemood.

Si kastaba arintu ha ahaatee degmnada walaweyn ayaa beryahan dambe noqotey degmo aan ka dhamaan colaad dhexdooda ah iyo mid mararka qaarkood kaga timaada kooxo isbaarooley ah oo ka yimaada bananka, Taasoo inta badan dadka deegaanka ay u aaneeyaan in uu ka dambeeyo gudoomiyaha degmada isagana uu yahay midka hurinayaa colaad ka dhexeysa beelaha shanta caleemood si uu u gaaro hadafkiisa.