Reysulwasaaraha oo sheegay in arimaha doorashooyinka uu u xilsaaray wasiiru dowlaha xafiiskiisa

0
70

Kaddib Qoraal uu dhawaan soo saaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayuu u xushay maamulka iyo socodsiinta howlaha doorashada Wasiiru-Dowlaha Xafiiskiisa Cabdixakiin Ashkir.

Qoraalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Wasiiru-Dowladiisu u xil saaran yahay dhamaanba Arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka, isaga oo isku xiri doona, Xukuumadda, Dowlad Gobolleedyada iyo waliba Beesha Caalamka.

Sidoo kale Qoraal kooban oo uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Rooble howlaha uu u xil saaray Wasiiru-dowlaha yihiin, Isku-daba-ridka, Farsamada iyo Socodsiinta Doorashada, balse go’aamada ugu danbeeya iyo ka tala-bixinta Arrimaha qaarkood ee la soo gudboonaada uu dib ugula soo noqon doono Ra’iisal Wasaaraha.

Labadan Qoraalba marka aad eegto waxaa ay gabi ahaanba meesha ka saarayaan doorkii Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo sharciyan aheyd in ay iyadu hoggaamiso howlaha Doorashada balse aan la soo hadal qaadin kaalinta ay ku leedahay.