YAA MAAL-GELIYAY SHIRKA HERITAGE ? ( WHY SILENT DONOR)

0
132

Sharciga sida uu yahay:

Marka ay shir qabanayaan hay’adaha aan dowliga ahayn NGO ( Non- Governmental Organisation) waa inay cadeeyaan cida lacagta ku bixisay shirkooda, tasoo la yiraahdo ( sponsorships) Si meesha looga dareemo hufnaan ( Transparency and accountability)

SHIRKA HERITAGE:

Shirkii Heritage waxaa ku baxay lacag badan oo laga helay dibada ama dowlado shishiiye oo aamusan ( silent donor) hadaba waa maxay sabata? Tani waxay abuureeysaa shaki badan una baahan in jawaab loo helo.

SHARCIGA DOWLADDA IYO HABDHAQANKA CAALAAMKA?

Waaxay labadaas qaynuun na faraayaan in mar waliba hay’adaha ku howlan fikir badalka bulshadda inay soo bandhigaan cida ku maal-gelineeysaa bandhiga fakirkooda iyo sababta ka dambeeyso, si loo ilaaliyo anshaxa, Diinta , dadka iyo dalka. Waxaa waajib ah in Dowladda Federaalka, Golaha sharci dejinta, aqoonyahanadda Soomaaliyeed ay hoos u eegaan hay’adaha ku hoowlan faafinta fikradaha ama ( Think thank) si loogu sameeyo sharci xakameeyo.

FIKIRGERYGA AAN KU DOONAAYO HUFNAANTA:

Sababta aan u leeyahay waa in la ogaadaa lacagta meesha ayka timid, si loo hubiyo in lacagtaaas aysan ka imaanin Kenya si loo wax yeeleeyo midninadda dadka Soomaaliyeed, ama Emaratiga si qayraadka dalka aysan ula wareegin, ama aysan lug ku yeelanin xag-jir diimeed arimaha faafinta fikirka bulshadda.

“Follow the money” daba dal lacagta meesha ayka timid dhaqaalahaas, si aan u ogaatid ulajeedooyinka dhib u keeni kara. Anshaxa, Diinta, dadka iyo Dalka Soomaaliya.


Wa bilaahi towfiiq.
Sheiknor A. Qassim