Madaxweynaha mamulka galmudug oo sheegay waxa awooda dalka wiiqaya inay tahay masuliyiinta maamul goboleedyada oo loogu yeerayo madaxweyne

0
296

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo kamid ahaa madaxda ka qeyb gashay shirweynaha Garoowe, ayaa waxa xalay madasha lagu weydiiyay su’aalo la xiriira nidaamka federaalka.

Qoor-Qoor oo ay garab fadhiyaan madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in meesha laga saaro odhaahda “Madaxweyne” ee loogu yeero madaxda maamul goboleedyada, si meesha uga baxdo madaxweynaasha badan ee Soomaaliya.

“Aniga waxaan aaminsanahay in laga tanaasulo ereyga “Madaxweyne” iyadoo la dhowrayo sharafta dowladda oo Soomaalida uma qalanto dhowr madaxweyne, taas oo wiiqeysaa qabkeenii iyo dowladnimadeena,” ayuu yiri.

“Waxaan qabaa in madaxweynuhu uu hal noqdo kuwa kalena magac kale loo raadiyo, kaasi oo wada-tashi ku imanaya.”

Qoor-Qoor ayaa tusaale u soo qaatay safar uu dalka dibadiisa ugu baxay, iyada oo madaxdii dalkaas u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ugu tagayo, taasi oo ay keentay wax uu ku sheegay “isgarab yaaca dalka ka jira.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan Soomaaliya dan ugu jirin madaxweynayaal badan, isla markaana loo baahan yahay in arrinkaas wax laga bedelo iyada oo dib u sixid lagu sameynayo dastuurka dalka.